WAR HADA: Shabaab Oo Qarax Culus La Eegtay Ciidamada Amisom Iyo Warar Dheeraad Ah…

17 total views, 1 views today

Wararka Laga Helayo Gobolka Shabeelaha Hoose Ayaa Sheegaya In Saakay Ciidamao Ka Tirsan Kuwa AMISOM Qarax Miino Lagu Eegtay Duleedka Degmada Baraawe Ee Gobolkaasi.

Qaraxa Ayaa Ka Dhacay Inta U Dhaxeysa Degmada Baraawe Iyo Deegaanka Buula Mareer, Xilli Halkaasi Ay Ku Socdaalayeen Kolonyo Gaadiid Ah Oo Ay La Socdeen Ciidamo Ka Tirsan Kuwa AMISOM Ee Ka Howlgala Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Ilo Deegaaanka Ah Ayaa Xaqiijiyay In Mid Ka Mid Ah Gawaarida AMISOM Uu Qaraxu Haleelay, Islamarkaana Markii Dambe Ay Ka Jiiteen Halkaasi.

Lama Oga Illaa Iyo Hadda Khasaaraha Rasmiga Ah Ee Ciidamada AMISOM Ka Soo Gaaray Qaraxaasi.

Balse Al Shabaab Ayaa Sheegatay Masuuliyadda Qaraxaasi, Waxaana Bartooda Internet-Ka Ay Ku Shaaciyeen In Ay Ku Dileen Askar Ka Tirsanaa Ciidanka AMISOM, Sidoo Kalena Ay Gubeen Mid Ka Mid Ah Gaadiidka AMISOM, Sida Ay Hadalka U Dhigeen.

Ma Jiro Weli Wax War Ah Oo Ka Soo Baxay Saraakiisha Ciidamada AMISOM Oo Ku Aadan Qaraxaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.