War Hada: Kooxo Hubeysan Oo Qof Shacab Ah Ku Dileen Degmada Yaaqshiid

18 total views, 1 views today

War Goordhow Na Soo Gaaray Ayaa Sheegaya In Kooxo Hubeysan Ay Qof Shacab Ah Ku Dileen Xaafadda Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir.

Sida Dadka Deegaanka Ay Inoo Sheegeen,Labo Dhalinyaro Ah Oo Ah Ku Hubeysan Bastoolad Ayaa Dilka Geystay,Waxayna Durba Ka Baxsadeen Goobta Ay Dilka Ka Geysteen.

Lama Oga Waxa Uu Yahay Ruuxa Dilka Loo Geystay,Waxaana Goobta Gaaray Oo Meydka Qaaday Ciidamo Ka Tirsan Dowadda Soomaaliya.

Maamulka Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir Wali Kama Hadlin Dilka Iyo Cida Ka Danbeysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.