WAR DEG GEG AH : MD Farmaajo,RW Kheyre Iyo Jawaari Oo Hadda Shir Xasaasi Ah Ku Leh Villa Somalia

????????????????????????????????????????????????????????

17 total views, 1 views today

War Goordhow Madaxtooyada Naga Soo Gaaray Ayaa Sheegaya In Shir Xasaasi Ah U Socdo Madaxweynaha,Ra’iisal Wasaaraha Iyo Guddoomiyaha Baaramaanka Soomaaliya

Waxaa Si Dhab Ah Loo Ogeyn Waxa Looga Hadlayo Shirka Seddex Geesoodka Ah,Balse War Hoose Ay Heleyso Wakaaladda Wararka Warqaat.Com Ayaa Sheegaya In Mas’uuliyiinta Ugu Sareysa Ay Ka Wada Hadlayaan Arinta C/Raxmaan C/Shakuur.

Wararka Ayaa Intaasi Ku Daraya In Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari Uu Kulanka Ka Dalbaday Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre Si Uu Jawaabo Waafi Ah Ugu Helo Su’aalo Dhowr Ah Oo Kaga Imaanayay Xildhibaanada Qaar Oo Ka Carooday Kiiska C/Raxmaan C/Shakuur.

Wali Kulanka Waa U Socdaa,Waxaana Si Aad Ah Loo Adkeeyay Amaanka Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamo AMISOM Oo Wata Gaadiidka Gaashaaman Ayaa Isku Gadaamay Banaanka Dhismaha Villa Soomaaliya,Waxaana Ciidamadan Sida Caadiga Ah Looga Baran Sidan Iney Sameeyan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.