War Deg Deg:Deegaan Muhiim Ah Oo Saaka Laga Saaray Shabaab

19 total views, 1 views today

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Ayaa Sheegay In Ciidamada Dowladda Federaalka Ay Saaka La Wareegeen Deegaanka Baladul-Amiin Oo Hoos Taga Degmada Wanla Weyn Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Injireen Yariisow Ayaa Ku Yiri War Uu Soo Dhigay Bartiisa:- “Ciidanka Xooga Dalka Ayaa Saakay Howlgal Ay Ka Fuliyeen Deeganka Baladul-Amiin Oo Hoostaga Degmada Wanlaweyn Ka Sifeeyey Maliishiyaadkii Argagaxisada Al-Shabaab”.

Ciidamada Dowladda Ayaa Dhaq-Dhaqaaqyo Ciidan Ka Wada Gobolada Shabeelaha Hoose Iyo Shabeelaha Dhexe Oo Maamul Ahaan Hoos Taga Koofur Galbeed Iyo Hir-Shabeelle.

Ma Jiro War Kasoo Baxay Al-Shabaab Oo Ay Kaga Hadlayaan Kala Wareegista Deegaanka Baladul-Amiin Oo Kamid Ah Deegaanada Hoos Taga Degmada Wanla-Weyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.