War Deg Deg:-Dagaal Ka Socda Tuulooyin Hoostaga Degmada Maxaas Ee G/Hiiraan

18 total views, 1 views today

War Goordhow Warqaat.com Ka Soo Gaaray Gobolka Hiiraan Ayaa Waxa Uu Sheegayaa In Deegaano Hoostaga Degmada Maxaas Ee Gobolkaas Uu Ka Socdo Dagaal U Dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya Iyo Al-Shabaab.

Dagaalka Ayaa Dadka Deegaanka Waxa Ay Sheegeen In Uu Yimid Kadib Markii Tuulada Lagu Magacaabo Bulacle Ay Howlgal Amniga Lagu Xaqiijinaya Ka Bilaabeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya Sidaasna Uu Dagaalka Ku Bilaawday.

Khasaaro Dhimasho Iyo Dhaawac Ah Ayaa La Soo Sheegayaa In Dagaalkas Uu Ka Dhashay Waxaan Haatan Xiisada Dagaalkaas Sidoo Kale Laga Dareemayaa Degmooyinka Maxaas Matabaan Iyo Degmada Buulo Burde Ee Isla Gobolka Hiiraan.