WAR DEG DEG AH: Wariyeyaasha Oo Laga Wacay Meel Uu Thabit Cabdi Iyo Odayaal Ku Shirsan Yihiin

?????

18 total views, 1 views today

Warbaahinta ayaa laga wacay Goob ay kusugan yihiin Gudoomiyihii Hore Ee Xilka Laga Qaaday Saaka Maamulka Gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed iyo Odayaal ubadan Beelaha Habar gidir iyo Abgaal.

Lama oga waxa kulankoodaasi looga hadlayo balse waxaa warar hoose ay inoo sheegeen inay macquul tahay diidmo qayaxan in lagu sameeyo wixii saaka dhacay.

Thabit Cabdi oo dadka muqdisho ugu yeera Muqdishaawiyiinta ayaa seefta ay qaaday saaka markii lasoo kacay oo lagu arkay Bogga Warfaafinta dhinaca Internet-ka Ee Dawlada oo lagu daabacay Xilkii inuu waayey oo Shakhsiyaad kale la magacaabay.

Wariye ka mid ah kuwa hadda kusugan Goobta Thabit joogo waxa uu Baahin uxaqiijiyey in ay sugayaan waxa laga soo saaro kulankaas oo warbaahinta kadib lala hadli doono.

NAGA FILO WIXII SOO KORDHO INSHA ALLAAH

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.