War deg deg ah:-Qarax Ismiidaamin ah oo goor-dhaw ka dhacay Xarun Ciidamada NISA ku leeyihiin deegaanka Siinka dheer

17 total views, 1 views today

Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayaa goor-dhaw ka dhacay Xarun Ciidamada amaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda ay ku leeyihiin deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee la helay ayaa sheegaya in Gaariga oo ahaa Nuuca raaxada oo ka yimid dhinaca magaalada Muqdisho kadibna uu isku qarxiyay dhismo ay Ciidanka deganaayeen oo ku yaalo meel laamiga dhowr tilaab ujirta oo ay Ciidamada deganaayeen.

Lama oga inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxaasi waxaana wararka hor dhaca ay sheegayaan in ay jirto dhimasho iyo dhaawac.

La soco wixii ku soo kordha.