WAR DEG DEG AH: M/weynihii hore ee Puntland oo goor dhaw ka hadlay Dagaalka Tukaraq, Fariin-na u diray Muuse Biixi & C/weli Gaas

18 total views, 2 views today

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo goor dhaw wariyaasha kula hadlayay gurigiisa magaalada Garoowe, ayaa daan-daansi iyo gardarro kutilmaamay dagaalada kasoo cusboonaaday gobalka Sool, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay Somaliland in ay ka baxaan deegaanada ays oo galeen.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in ay Soomaaliya ka soo gudubtay waqtigii dagaalada, ayna waajib tahay in la wajaho xaqiiqada ku saleysan xaaladda Amniga ee dalka Soomaaliyeed, gaar ahaana deris wanaaga labada dhinac ee Puntland & Somaliland.

Senator Faroole ayaa ugu yeeray Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas in ay joojiso ficilo kasta oo dagaalo horseedaya, xili waqtigeedu uu dhamaad ku dhaw yahay oo ay hadhaw dib u dhac u keeni kara doorashada dhaw.

Faroole wuxuu kaloo ku eedeeyey Xukuumada Gaas in aysan raali ka aheyn dagaalo waqtigan la galiyo Shacabka Puntland oo ay leeyihiin ujeedooyin siyaasadeed.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Puntland in ay garowsadaan xaqiiqada taala gobalka Sool, oo ay dhawraan derisnimada labada dhinacba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.