WAR DEG DEG AH: Itoobiya oo wafdi wasiiro ah u soo dirtay Somaliland, maxayse ka wada hadlayaan?

17 total views, 1 views today

Wafdi ka socda dawladda Faderaalka ee dalka Itoobiya ayaa soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasumada maamulka Somaliland, halkaas oo ay wada hadalo kula leeyihiin madaxda maamulkaas, ayna kala hadlayaan iskaashiga labada dhinac iyo xiisadaha mandiqada ka aloosan.

Wasiirka gaadiidka ee dawladda Faderaalka Itoobiya Axmed Shide iyo xubno kasocda Wasaaradda Arrimaha dibada ee Faderaalka ayaa soo gaaray magaalada Hargeysa, sidda ay baahisay warbaahinta gudaha ee magaalada Hargeysa.

Mr, Shide ayaa wada hadal gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaliland Muuse BIixi Cabdi oo ay ka wada hadleen sidii taabagal looga dhigi lahaa heshiiska 19% faa’iidadiisa ay leedahay ee Dekeda magaalada Berbera.

Sidaas oo kale warar hoose ayaa sheegaya in laga wada hadlay sidii nabadda mandiqada loo ilaalin lahaa, gaar ahaana xiisadaha Tukaraq ayaa ka mid noqonaya arrimaha la soo qaadayo, maadaama horey ay labada dhinac uga wada hadleen.

Itoobiya ayaa leh saami wanaagsan oo ku aadan howlaha dekeda magaalada Berbera, markii ay Somaliland ku wareejisay dekedaas shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, waxaana wararku sheegayaan in ay Itoobiya hadda kasoo baxaysa doorkeeda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa shaki galiyey heshiisyadaas, wuxuuna codsaday in lagu sameeyo dibu eegis balaaran oo ku aadan habka saami qeybsiga taas oo walaac galisay dawladda Itoobiya iyo DP WORLD oo horey heshiiskan uga wada hadlay, waxaana DP ay soo dirtay wafdigii ugu sareeyey oo todobaadkan joogay magaalada Hargeysa.

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaya shirarkan ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in ay wafdiga Itoobiya booqdaan dekeda magaalada Berbera ee ay la wareegtay DP WORLD.