War Deg Deg Ah: Golaha Shacabka Somaliya Oo Isku Raacay In Sharci Darro Tahay Dhiibistii Qalbi Dhagax

23 total views, 2 views today

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya Oo Xiligaan Ka Socda Xarunta Golaha Shacabka Ayaa Warbixin Ka Dhageestay Guddigii Loo Xil Saaray In Ay Baaritaan Ku Soo Sameeyaan Kiiskii Qalbi Dhagax.

Guddiga Ayaa Sheegay In Dhiibistii Qalbi Dhagax Ay Aheyd Sharci Daro Qaladna La Galay Muwaadinkaasi Iyadoo Ka Dib Cod Loo Qaaday Arinta Muranka Dhalisay.

Xildhibaanada Ayaa Isku Raacay In Ay Sharci Darro Aheyd Dhiibistii Qalbi Dhagax Loona Baahan Yahay In Ay Jawaab Ka Bixiso Xukumadda Soomaaliya.

Dhiibistii Qalbi Dhagax Ayaa Lagu Eedeeyay Taliska Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya Islamarkaana Aan Laga Tashan Hay’adaha Garsoorka Ee Dalka.

Arintaan Ayaa Dalka Gilin Doonta Marxalad Kale Oo Siyaasadeed Waxaana Wariyaasha Kulanka Ku Sugan Ay Soo Sheegayaan In Ay Jiraan Xildhibaano Kale Oo Taageersan Dhiibista Qalbi Dhagax Inkastoo Ka Badan Yihiin Kuwa Ka Soo Horjeeda Ee Maanta U Codeeyay In Ay Sharci Darro Tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.