War Deg Deg ah:- Ciimada NISA oo Xeray Mas`uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadajir.

17 total views, 1 views today

Warar hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in la xeray Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale iyo Xog hayihii Xisbigaas wadajir Sayid Cali Maxamed.

Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay labadaan mas`uul kala baxeen Hotel Maka-Mukarama ee Magaalada muqdisho.

Ciidamadaan ayaa horay u xeray aas aasihii xisbigaan Wadajir C.raxmaan C.shakuur Warsame waxaana xerigiisa ku dhintay 6 ruux ka dib weerar Ciidamada NISA ku qaadeen Gurigiisa.

Lama oga sababta ka danbeysa xeriga Mas`uuliyiintaan.

Lasoco wixii ku soo kordha.