WAR DEG DEG AH: Afhayeenkii Gobolka Banadir oo xabsi Guri la geliyay & xubno xilalka laga qaadayo

20 total views, 1 views today

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xayiraad lagu soo rogay afhayeenkii maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane.

Afhayeenka oo sidoo kale ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada NISA ayaa la sheegay in lagu amray inuusan gurigiisa kasoo bixi karin, waxaana uu saxafiyiinta u xaqiijiyey inuu xabsi guri ku jiro.

Sababta xayiraadda loogu soo rogay afhayeenka Maamulka G/Banaadir ayaa la sheegay inay salka ku heyso War-saxaafadeedkii uu ka akhriyay xarunta gobolka Banaadir oo ku saabsanaa in laba sano la doortay guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Warar kale ayaa sheegaya in xubno ka mida maamulka gobolka oo ay ku jiraan guddoomiyeyaal degmo la qorsheeyay in xilka laga qaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.