War Cusub oo Tukaraq Naga Soo Gaarey iyo Puntland oo Isu Diyaarisay Dagaal.

24 total views, 1 views today

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay weli isku horfadhiyaan ciidanka maamulka Soomaaliland iyo kuwa Soomaaliland ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xaaladdiisa aysan waxba iska bedelin maalmihii ugu dambeeyey.

Ciidanka difaaca Puntland iyo kuwa Maamulka Soomaaliland ayaa ku kala sugan duleedka Tukaraq iyo deegaanka God-qaboobe oo ah labo goobood oo isu muuqda.

Xog hoose oo ay warbaahinta Warqaat.Com heshay ayaa sheegaysa in ciidanka Puntland loo diyaariyey inay duulaan xoogan ku qaadaan guud ahaan deegaamada Soomaaliland kaga sugantahay gobolka Sool.

Taliska ciidanka difaaca Puntland ayaa sheegay in qorshaha Puntland uu yahay mid ka qoto dheer deegaanka Tukaraq ayna doonayaan sidii loo xorayn lahaa guud ahaan gobolka Sool.