WAR CUSUB: Kooxda kubadda cagta Adduunka loogu jecel yahay oo la shaaciyey

24 total views, 1 views today

Jariiradda Marca Ee Ka Soo Baxda Dalka Spain Ayaa Faah Faahin Buuxda Ka Bixisay Daraasadlagu Sameeyey Kooxda Kubadda Cagta, Isla Markaana Lagu Ogaanayey Kooxda Adduunka Loogu Jecel Yahay Midda Ay Tahay.

Daraasadda Waxaa Lagu Sheegay In Kooxda Barcelona Ay Tahay Kooxda Adduunkaloogu Yecel Yahay, Isla Markaana Dadka Adduunka Ugu Badani Ay Kaga Xiran Yihiin Oo Ay Kala Socdaan Baraha Bulshada.

Sida Lagu Sheegay Warbixinta Barcelona Ayaa Waddamo Badan Oo Adduunka Ah Kaalinta Koowaad Kaga Jirta Dhinaca Dadka Baraha Bulshada Kaga Xiran Kooxaha Kubadda Cagta Adduunka Ka Dhisan, Waxaana Waddamaas Ka Mid Ah United States, China, Japan, Brazil, Turkey Iyo Mexico.

Dhinaca Kale Jariiradda Marca Waxa Ay Sheegtay In Barcelona Ay Kaalinta Labaad Kaga Jirto Dalka Spain Oo Ay Real Madrid Tahay Kooxda Kaalinta Koowaad Kaga Jirta Dhinaca Dadka Baraha Bulshada Kaga Xiran.

Guud Ahaan Laakiin Daraasaddaan Ayaa Daaha Ka Rogtay In Kooxda Barcelona Ay Tahay Kooxda Adduunka Loogu Jecel Yahay Ee Guud Ahaan Baraha Bulshada Dadka Ugu Badani Kala Socdaan.

Waxaa Daraasadan La Fuliyey Intii Lagu Guda Jiray Bishii September, Waxaana Lagu Soo Qaaday Wareysi La La Yeeshay Dad Rag Iyo Dumar Leh Oo Dadoodu U Dhaxaysay 16 Sano Illaa Dadka Waa Weyn, Sidoo Kalena Waxaa La Sameeyey Wareysiyo Kale Oo Laga Qaaday Carruurta U Dhaxaysa 10-Ka Sano Illaa 15-Ka Sano, Iyadoo Guud Ahaan La Wareystay 12,400 Kulan Oo Qof Oo Kala Jooga Waddamo Badan Oo Adduunka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.