War Culus Oo Kasoo Baxay Al Shabaab Oo Ay Sheegeen in 2 Isbuuc Maamulayaan Deegaanka…

484 total views, 1 views today

Al Shabaab ayaa soo saaray Warbixin Ay Kaga Hadlayaan Deegaanka Daynuunaay Cida Maamuleysa kadib dagaal siyaabo kala duwan Bishaan Uga dhacay.

Gacan ku heynta Daynuunaay oo dhacda Duleedka Baydhabo ayaa isku bad badashay Al Shabaab iyo Ciidamada Dawlada iyo kuwa K/Galbeed oo isla socday.

Idaacada Al Shabaab ayaa laga sii daayey Warbixin lagu muujiyey in Deegaankaaas ay Al Shabaab muddo labo Toddobaad ciidankooda kusugan yihiin.

Al Shabaab ayaa ku faanay in Maamulkooda ka shaqeeyo Daynuunaay oo ciidanka Dawlada iyo kuwa K/Galbeed midna kusugneyn.

Taliska Ciidamada Xoogga Ee Kusugan Gobollada Bay iyo Bakool iyo maamulka K/galbeed midna kama aysan Hadlin warkaan kasoo baxay Al Shabaab Ee Ah Inay Daynuunaay iyagu kusugan yihiin muddo kusiman 15 cisho.