Waqtiga Uu Furmi Doono Kala Fadhiga 3-Aad Ee Baarlamaanka Labada Aqal Oo La Shaaciyay

25 total views, 1 views today

Guddoonka Labada Aqal Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed Ayaa Shaaciyay In 10-Ka Bishaan Uu Si Rasmi Ah U Furmi Doono Kalfadhiga Saddexaad Ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Sooomaaliya Oo Ka Kooban Aqalka Sare Iyo Golaha Shacabka.

Xoghayaha Guud Ee Golaha Shacabka C/Kariin Xaaji Cabdi Buux Oo La Hadlay Warbaahinta Qaranka Ayaa Sheegay In 10-Xubnood Oo Ka Tirsan Labada Aqal Ee Baarlamaanka Loo Xilsaaray Diyaarinta Munaasabadda Furitaanka Fadhiga Baarlamaanka Oo Dhici Doonta 10-Ka Bishaan.

Guddigaan Ka Kooban 10-Ka Xubnood Oo Uu Guddoomiye U Yahay Senator C/Risaaq Cusmaan Xasan Jurile Iyo Ku-Xeenkiisa Xildhibaan Khaalid Macow Ayaa Waxay Diyaarinayaan Munaasabada Furitaanka Fadhiga Baarlamaanka Oo Dhici Doonta 10-Ka Bishan.

Waxyaabaha Ugu Waawayn Ee Haatan Horyaala Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Waxaa Ka Mid Ah, Arrimaha Doorashooyinka, Dib U Eegista Dastuurka Dalka, Sharciga Jinsiyadda Dalka Iyo Arrimo Kale.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/Laahi Farmaajo Ayaa Sida Sharciga Ah Si Rasmi Ah U Furi Doona Kalfadhiga Saddexaad Ee Baarlamaanka Soomaaliya.