Wakiillada Uganda ee Bariga Afrika oo isku khilaafay in Ururkaas lagu daro Somaliya

18 total views, 1 views today

Xildhibaannada Baarlamaanka Uganda ku matala Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ku kala qeybsamay in ururkaas lagu daro Soomaaliya.

Xildhibaannada qaar ayaa sheegay in Soomaaliya haddii lagu daro Ururkaas ay Al-shabaab ka faa’dieysanayaan islamarkaan weerarro ka geysanayaan Gobolka.

Susan Nakawuki oo ka mid ah Xildhibaannada diiddan in Soomaaliya lagu daro Ururkaas ayaa sheegay in haddii Soomaaliya loo furo sohdinta ay taas horseedeyso in Al-shabaab ay ka faa’ideystaan.

Laakiin Xildhibaan Fred Mukasa Mbidde,ayaa aaminsan in ururkaas haddii lagu daro Soomaaliya ay fududaaneyso dabagalka lagu sameyn karo AL-shabaab loogana saari karo Gobolka.

Shirka Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa dhamaadka Bishan waxaa uu ka dhacayaa Magaalada Kampala ee xarunta Dalka Uganda.

Soomaaliya ayaa codsi u gudbisay Maxda Urur Goboleedka Bulshada bariga Afrika iyada oo dooneysa in ay xubin ka noqoto Ururkan,waxaase ay dood u dhaxeysaa marti geliyayaasha Sanadkan ee Uganda.

Waddamada Xubnaha ka ah waxaa ka mid ah Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan,Tanzania, iyo Uganda,waxaana dowladda Soomaaliya ay dooneysaa in ay ku biirto Ururkan.