Wadooyinka magaalada muqdisho waxa Ay u xiran yihiin madaxwayne Farmaajo xilka laga qaadayaa!!.

23 total views, 1 views today

Saakey Waagu Markuu Waaga Baryey Ayey Dadka Ku Soo Tooseen Wadooyinka Muqdisho Xiran , Qof Waliba Waxaa Uu Maaleyey Lugtiisa , Anigana Inta Lugta Furay Ayaa Waxaa Dhacdey In Intii Aan Socdey Waxaa Iga Horyimid Nin Saaxiibo Nahay , Markiiba Waxaa Uu Igu Soo Tuurey Hadal Aan Aad Ula Yaabey Oo Ahaa “Saaxiib Waxba Ma Ogid Ma Taqaanaa Sababta Ay Wadooyinka U Xiran Yihiin “ Markaas Baa Iiri “ Oo Maxay Tahay” Markaasuu I Yiri “ Inta Dhegta Ii Soo Dhaweeyey “Ma Ogid Miyaa In Madaxweyne Farmaajo Xilka Laga Qaadayo Oo Mooshin Laga Keeney.

Waa Sii Dhaqaaqey Intii Aan Soio Socdey Ayaa Hadana Telka Ii Soo Dhacay Markii Aan Qabtey Ayaa Ninkii I Soo Wacay Igu Yiri Isagoo Waxba I Weydiin “Wariye Wadooyinka Waxay U Xiran Yihiin Ma Garaneysaa Markaas Baan Iri “Maya Saaxiib Markaas Buu I Yiri “Waxaa Maqley In Raiisul Wasaare Khayre Xilka Laga Qaadayo Haatana Uu Kulan Uu Ka Socdo Xarunta Madaxtooyada “.

Markii Aan Gaarey Goobtii Aan Doonayey Oo Aan Fariistey Shaahna Dalbadey Ayaa Hadana Telkii Ii Soo Dhacay Waaba Nin Aan Aqaan “Markaasuu I Weydiiyey Sababta Ay Wadooyinka U Xiran Yihiin “Waxaa Ku Iri “Waxaa Maanta Jira Shir Weyne Looga Hadlayo Arriimaha Amaanka” Markaasuu I Yiri “Wariye Saas Ma Aha” Markaas Baan Iri “ Adiga Ii Sheeg “ Inta Warkii Xoogaa Hoos U Dhigey Ayuu Yiri “ Qof Kale Ha U Sheegin “ Waxay Wadooyinka U Xiran Yihiin Waxaa Isku Dhacay Farmaajo Iyo Khayre Marka Saaxiib Wax Ma Ogid Sidaa Ula Soco”.

Markii Laba Jeer Kabadey Shaahii Waxaa I Soo Ag Fariistey Nin Odey Ah Markaasuu Iri “ Saaxiib Waan Soo Lugeeyey Waxaan Kuu Sheegayaa “Dowladii Hore Waan Inkaareyney Hadii Aan Nahay Shacab Maanta Sowa Ma Mudna In Aan Inkaaro Farmaajo” Waxaan Ku Iri “Maxaa Intaa U Gaarsiineysaa “ Markaasuu I Yiri “Intaa Iyo Ka Badan Baa Leeyahay Waayo Fiiri Haweenka Uurka Leh Ee Lugeynaya, Fiiri Gawaarida Khudaarta Sida Ee Wadooyinka Laga Xirey, Fiiri Haweenka Shaaha Iibiya Ee Uu Ku Baarey Shaahii, Fiiri Maqaayadaha Iyana Cuntooyinka Wax Ka Cuna La Waayey Sow Inkaar Kama Imaaneyso Aawey Shacabkii Loo Hiilinayey Ee Banaanbaxyada Taageerada U Sameeyey Farmaajo.

Calaa Kuli Xaal Waxaan Ku Leeyahay Dhamaantood Kuwii Hore Iyo Kuwaan Waa Isku Naqshad Wax Isbedel Oo Aan Hayno Ma Jiraan” Waxaan Ku Iri “Saaxiib Ha Deg Degin Ee Arrinta Habaar Ha Gaarsiin Waxaa Ii Muuqda Ifafaalo Nabadeed” Isku Soo Duubo Shacabka Waxay Mudnaayeen Wargelin Ah In Wdooyinka La Xiraayo Si Ay Ugu Tashadaan

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.