Wadooyinka Magaalada Caasimada Ah Ee Muqdisho Oo Maalintii Labaad Xiran…

22 total views, 2 views today

Maalintii Labaad Waxaa Xiran Inta Badan Waddooyinka Magaalada Muqdisho, Sababo La Xiriira Shirka Heerkiisa Sarreeya Ee Lagu Qabanayo Magaalada.

Shacabka Oo Aad Moodo In Maanta Ay Kusii Tashadeen Waddooyinka Xiran Ayaa La Arkayaa In Meelaha Qaar Ay Lugeynayaan.

Gaadiidka Dadweynaha Waxay Marayaan Waddooyinka Wadnaha, Sodonka Iyo Warshadaha, Waxaa Xiran Wadada Makka Al-Mukarrama Iyo Dhammaan Jidadka Iyo Laamiyada Soo Gala Wadadaasi.

Dadka Qaar Oo Aan La Sheekeysanay Ayaa Sheegay Iney La Yaab Ku Noqotay In Magaalada Kala Bar Loo Xiro Shir Ka Dhacaya Xarunta Xalane Oo La Ogyahay In Amnigeeda Si Aad Ah Loo Adkeeyay.

Waxaa Se Lafilayaan Xili Kamida Manta In Dib Ugu Soolaaban Doonaan Sidii Horey Oo Ay Ahaayeen Wadooyinka Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.