Wadahadal Lagu Xalinayo Khilaafka Wabiga Nile Oo Toddobaadka Dambe Ka Furmaya Addis Ababa….

23 total views, 1 views today

Wasiirka Arrimaha Dibada Dalka Masar Sameh Shoukry Ayaa Toddobaadka Dambe Booqan Doona Dalka Ethiopia Isagoo Ka Qeybgalaya Kulan Loogaga Hadlayo Khilaafka Ka Jira Wabiga Nile Ee Ah Dhismaha Biyo Xireen Balaayiin Dollar Ku Baxaya Oo Dowlada Ethiopia Ka Dhisayso Wabigaas.

Khilaafka Wabiga Nile Oo Dhererkiisu Gaarayo 6,695 Km Ayaa Waxaa Uu Sidoo Kale Saameeyan Ku Leeyahay Dalka Sudan Waxaana Wabigan Uu U Yahay Saddex Dalba Halbowle Dhaqaale.

Dowlada Masar Ayaa Aaminsan In Dhismaha Biyo-Xireenka Uu Halis Ku Yahay Beeralayda Masar Oo Kumanaan Sano Noloshoodu Ay Ku Xirneyd Wabiga.

Hase Yeeshee Dowlada Ethiopia Ayaa Sheegaysa In Biyo-Xireenka Uu Yahay Mid Aan Wax Halis Ah Gelin Doonin Dhaqaalaha Dalka Masar Balse Uu Ka Dhigi Doono Wadanka Ethiopia Dalka Ugu Weyn Africa Ee Dibada U Iib Geeyo Adeeg Koronto.

Wafdi Ka Socda Wadamada Masar,Sudan Iyo Ethiopia Ayaa Ku Kulmay Bishii November Magaalada Qahira Si Ay U Ansixiyaan Cilmi-Baaris Ay Sameysay Shirkad Xarunteedu Tahay Dalka Faransiiska Taasoo Qiimeyn Ku Sameysay Biyo Xireenka Iyo Saameynta Dhaqaale Iyo Mid Deegaan Uu Yeelan Karo.

Balse, Wadahadalada Ayaa Istaagay Kadib Markii Lagu Guuldareystey In La Soo Saaro Warbixin Bilow Iyadoo Wadan Walba Kan Kale Uu Ku Eedeeyay Ismari-Waaga.

Dowlada Masar Ayaa Ka Baqaysa In Biyo-Xireenkan Oo Soo Saari Doona Quwad Koronto 6,000-Megawatt Ayna Dhiseyo Shirkada Ugu Weyn Dhismaha Dalka Talyaaniga Ee Salini Impregilo SPA Uu Hoos U Dhigi Doono Biyaha Wabiga Taasoo Loo Isticmaalo Cabitaan Iyo Waraabka Beerahaba.

Madaxda Dalka Masar Ayaa Aaminsan In Ilaalinta Biyaha Wabiga Nile Uu La Mid Yahay Ilaalinta Ammaanka Wadanka Masar.

Madaxweynaha Dalka Masar Abdel Fattah Al-Sisi Ayaa  Bishii Hore Sheegay In Aysan Cidna Taaban Karin Biyaha Nile, Biyaha Wabigana Ay U Yihiin Shacabkiisa Nolol Iyo Geeriba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.