Waalid si aan munaasab ahayn u iticmaalay lacag loo aruuriyay gabadhooda oo xanuunsan

1,397 total views, 1 views today

Lamaane Reer Spain Ah Oo Loo Aruuriyay Lacag Aad U Badan Si Ay Ugu Badbaadiyaan Nolosha Gabadhooda Ayaa Loo Xiray In Ay Lacagtii U Adeegsadeen Noloshooda.

Fernando Blanco Iyo Xaaskiisa Margarita Garau Ayaa Saxaafadda Ka Soo Muuqday Iyaga Oo Dalbadana In Lacago Loo Aruuriyo Si Ay Gabadhooda U Badbaadiyaan Uguna Soo Daweeyaan Maraykanka.

Waxaa Loo Aruuriyay In Kabadan 420,000 Oo Yuuroo Ama 360,000 Oo Giniga Istarliinka Ah Taas Oo Dawayn Loogu Talagalay Balse Maxkamadda Ayaa Ogaatay In Arrintaas Aysan Waxba Ka Jirin

Lacagtaas Inteeda Badan Waalidkeed Ayaa Isticmaalay, Waxayna Ku Gateen Waxyaabo Qaali Ah.

Lacag Lagu Qiyaasay 20,000 Oo Yuuroo Ama 17,500 Oo Giniga Istarliinka Ah Oo Kali Ah Ayay Waalidka Gabadhu U Isticmaaleen Dawayn Ama Waxyaabo Kale Oo Qiil Loo Heli Karo, Sida Ay Maxkamaddu Ogaatay.

Lacagta Inteedii Kalana Waxyaabo Kale Oo Nolosha Caadiga Ah La Xiriira Ayaa Loo Adeegsada, Wakaaladda Wararka Ee AFP-Na Waxay Ku Warrantay In Waxyaabaha Ay Waalidkaasi Gateen Ay Ka Mid Yihiin Gawaari Iyo Saacado Qaali Ah.

Gabadha Yar Nadia Nerea Oo Hadda 14 Jir Ah Ayaa Qabta Xanuun Ku Dhacay Hiddasidaheeda.

Xaaladda Caafimaad Ee Gabadhan Ay Qabto Ayaa Afka Qalaad Lagu Dhahaa Trichothiodystrophy, Waa Xannuun Mar La Arag Ah, Calaamado Badan Oo Lagu Garto Ayuu Leeyahay Waxaana Ka Mid Ah In Qofku Uu Dhibsado Nalka, Tayada Timaha Oo Hoos U Dhacda Iyo Cidiyaha Oo Ruuxa Xannuuna, Caabuq Iyo Kuwo Kale Oo Badan.

Balse Maxkamadda Oo Ku Taalla Lleida Ayaa Ogaatay In Gabadhu Aysan Ku Jirin Xaalad U Baahan In Si Dedeg Ah Wax Looga Qabto, Arrintaas Oo Liddi Ku Ah Codsigii Qiirada Lahaa Ee Uu Aabaheed Dadka Uga Dalbaday Gargaarka.

Xaaladdeeda Ayaa Si Ula Kac Ah Looga Badbadiyay Si Dadka Loogu Beerlaxawsado Oo Tabarucaad Loogu Helo Dawaynta Been Abuurka Ah, Sida Ay Maxkamaddu Ogaatay.

Markii Hore In Xaaladda Ay Gabadha Yar Ku Jirto Ay Halis Galinayso Nolosheeda Waxaa Dadka La Wadaagay Dariska, Balase Sida Khaladka Ah Ee Lacagta Loo Maareeyay Ayay Warbaahintu Ka Warrantay Intii U Dhaxaysay 2010 Ilaa 2016.

Fernando Ayaa Sheegtay In Qalliinno Qaali Ah Lagu Sameeyay Gabadhiisa Ayna Dawayn U Geeyeen Magaalada Paris Ee Dalka Faransiiska Iyo Magaalada Houston Ee Dalka Maraykanka – Balse Ma Uusan Keenin Wax Caddayn Ah Oo Uu Ku Xoojiyo Sheegashadiisa, Isbitaallada Uu Sheegay In Ay Ku Yaallaan Houston-Na Waxay U Muuqdaan Kuwo Aan Jirin.

Dacwad Oogeyaasha Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Nadia Iyo Aabaheed Uuna Midnkoodna Haysanin Baasboorkii U Suurtagalin Lahaa In Ay U Safraan Maraykanka, Taas Oo Wax Aan Macquul Ahayn Ka Dhigaysa In Maraykanka Lagu Soo Daweeyay.

Fernando Ayaa Lagu Xukumay Shan Sano Oo Xabsi Ah Qaybtii Uu Ku Lahaa Hawsha Been Abuurka Ah, Xaaskiisana Waxaa Lagu Xukumay Xabsi Saddex Sano Iyo Bar Ah.