Ururka Iskaashatooyinka Gobolka Sh/Dhexe Oo Sameystey Hoggaan Cusub

13 total views, 1 views today

Munaasabad Uu Xilka Kula Wareegayay Guddoomiyaha Cusub Ahna Wakiilka Ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed Ee Gobolka Sh/Dhexe Cabdulaahi Macali Xuseen Ayaa Maanta Lagu Qabtay Xarunta Ururka Iskashatooyinka Gobolka Sh/Dhexe Ee Magaalada Jowhar.

Xaflada Xilwareejinta Ayaa Waxaa Ka Soo Qeybgalay Qeybaha Kala Duwan Ee Iskaashatooyinka Gaar Ahaan Lixda Urur Iskaashato Ee Kala Ah  Iskaashatada Beeraha, Kalumeysiga, Farshaxanka,Gaadiidka,Xoolahaiyo Keymaha Iyo Iskaashatada Birmaal Ama Warshadaha Yaryar,Waxgarad Iyo Martisharaf Kala Duwan.

Munaasabada Xilwareejinta Ayaa Waxaa Ka Hadlay Qeybaha Kala Duwan Ee Ururada Iskaashatooyinka. Waxayna U Mahadceliyeen Guddoomiyihii Hore Ee Iskaashatooyinka Ahna Wakiilka Iskaashatada Gobolka Cismaan Nuur Ibraahin Kaasoo Muddo Dheer Hayay Xilkaas.

Cismaan Nuur Ibraahim Guddoomiyihii Hore Ee Iskaashatooyinka Gobolka Sh/Dhexe Ayaa Sheegay In Muddo Dheer Uu Soo Hayay Hogaanka Ururka Isagoo Xusay Inuu Ku Faraxsan Yahay Inuu Ku Wareejiyo Hogaanka Ururka Nin Dhalinyaro Ah Oo Aqoonyahan Ah.

Guddoomiyaha Cusub Ee Iskaashatooyinka Cabdulaahi Xuseen Biis Oo Ka Hadlay Munasabada Ayaa Sheegay In Mas’uuliyadu Ay Culus Tahay Waxana Uu Ugu Baaqay Qeybaha Kala Duwan Ee Ururada Iskaashatooyinka Gobolka Inay Gacan Ku Siiyaan Sidii Uu U Gudan Lahaa Waajibaadkiisa.

Ururka Iskaashatooyinka Gobolka Sh/Dhexe Ayaa Dadaal Ugu Jira Sidii Uu Ugaga Qeybqaadan Lahaa Horumarinta Gobolka Sh/Dhexe, Waxaana Dhowaan  Booqasho Ku Yimid Magaalada Jowhar Hoggaanka Sare Ee Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Qaranka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.