Uganda oo marti gelineysa Shirka AMISOM ee Somaliya

21 total views, 2 views today

Dowladda Uganda ayaa marti gelineysa shir ay yeelanayaan waddamada ku jira AMISOM kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeybgelaya Waddamada Ciidamada ku yaboohay howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya iyo dowladda Federaalka ah.

Shirkan waxaa uu daba socdaa shir noociisa oo kale ahaa oo ay Dowladda Uganda ku qabatay Magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka Bishii September ee sanadkii hore.

Shirkaas waxyaabaha looga hadlay ee shirkanna looga hadlayo waxaa ka mid ah siyaasadaha lagu dhimayo howlgalka AMISOM Ciidamada Soomaaliyana amniga loogu wareejinayo.

Shirkan waxaa uu Magaalada ka furmi doonaa Magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Uganda,waxaana uu furmayaa 2da Bisha March ee soo socota.

Waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa sii wadidda howlgalka AMISOM,qiimeynta xaaladda Soomaaliya ee hadda,diyaarinta Ciidamada dowladda Federaalka ah ee la doonayo in ay AMISOM amaanka kala wareegaan iyo qorshaha lagu dhimayo Ciidanka AMISOM.

Shirkan waxaa kale oo ka qeybgelaya wafdi ka socda Midowga Afrika,Midowga Europe, xubno ka socda 5ta xubnood ee joogtadaha ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey iyo wufuud kale.

Uganda waxaa ay ahayd dalkii ugu horreeeyay ee ciidamadiisa ku yaboohay howlgalka AMISOM  Bishii March ee 2007dii,waxaana ay AMISOM ku yeelatay lix Taliye Ciidan oo uu ku jiro midka dhawaan loo magacaabay AMISOM ee lagu magacaabo Jeneraal  Jim Owoyesigire