Turkiga Oo Hub Casri Ah Usoo Diraya DF Ee Soomaaliya….

25 total views, 1 views today

Dowladda Turkiga ayaa maalmaha soo aadan waxay Soomaaliya gaar haan magaalada Muqdisho usoo direysaa markab weyn oo wada hub casri ah.

Hubkaan ayaa loogu talogalay in lasiiyo ciidamada lagu tababari doono Muqdosho ee isku dhafka ah, walibana la wareegi doona ammanka guud ee dalka.

Hubkaan ayaa isugu jira kuwa cirka iyo dhulka, sidoo kale waxa kujira hubka fudud iyo midka culus, iyadoo gaadiid dagaalna ay ku jiraan sida Taangiyo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in hadda dekad ku taalla Turkiga uu markabkaan ku xiran yahay kuna socoto saarista hubkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.