Taliyehii hore ee NISA oo shaaca ka qaaday xeelado ay Al-Shabab canshuuraha uga qaado dadka shacabka

821 total views, 1 views today

Jeneral Maxamed Axmed Tuuryare ayaa daaha ka rogay xeeladda ay Al-Shabaab adeegsato marka ay Zakawaadka ama canshuuraha ka qaadeyso ganacsatada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Iyada oo ay muddooyinkan oo dhan ay soo shaac baxaysay ilaa iyo baaxadda canshuuraa ay Al-Shabaab qaaddo ayuu Tuuryare uga warramaya barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa Idaacadda VOA-da, waxa uuna ka sheekeeyey sida ay ku bixiyaan ganacsatada Zakawaadka, cashuuraha iyo qaab ay Al-Shabaab adeegsato.

Tuuryare oo ahaa taliyihii Nabadsugidda xilligii Xassan Shikeh Maxamuud oo u warramaya soo saaraha barnaamijka Galka Baarista oo uu soo saaro Haruun Macruuf ayaa sidan yiri:-

“Sideedaba nimankaani inta qoriga haysata waxaa u dhiganta inta ama nabaddoonada ah ama ganacsatada ah ama caadiga ah ee suuqyada ku jirta oo dadka kala taqaana oo tabineysa qof kasta iyo wixii soo kordhay oo uu keeno iyo sireynta. Markaa maktabkaan la yiraahdo maktabka zakawaadka ama maktabka maaliyadda kulli shacab ayuu u badan yahay,  shacab ay qoreyn ayuu u badan yahay”

“Marka xeelada kowaad ee ay adeegsanaayaa qofka ma yaqaanaan waa u imaanayaan waxa ay leeyihiin waan ognahay dukaankaaga intaa baa intaas oo dukaan ayaad leedahay intaas oo xoolo marka canshuurtaas baa lagaa rabaa canshuurtaas ayaa kugu soo waajibtay inaa iska bixiso qaabkaa iyo qaabkaana ku bixi qof haddii uu ogaadana adigaa ogeysiiyey wakkaa halkaabey howsha ka bexeysaa, waxaa loo sii sheegayaa lagu handadayaa haddii uusan intaas sameyn waxa ku dhici doona oo carruurtiisii iyo ilmihiisii iyo gurigiisii markaa qofkii isaga ahaayoo oo suuqa joogay waxa uu kala dooraayaa marka in oo wixii uu bixiyo iyo in ay isaga dhib soo gaarto.”

Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya waxa ay leedahay laba waaxood oo dadka shacabka ah uga soo qaada canshuuraha, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waax waxaa la yiraahdaa Zakawaat, midka kalena Waaxda Maaliyadda.