Taliye Gorod”Ciidamadii Maanta Dagaalamay Weey Isku Khaldameen”

30 total views, 5 views today

Laba Qof Ayaa Ku Dhimatay 7 Kalena Way Ku Dhaawacmeen Iska Horimaad Laba Unug Oo Ka Tirsan Ciidamada Amniga Soomaaliya Ku Dhexmaray Muqdishu Arbacadii Maanta.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod Ayaa Ka Hadlay Dagaalkaas,Waxa Uuna Sheegay In Uu Ahaa Iskudhac Yar Oo Dehx Maray Ciidamo Isku Qaldamay,Isla Markaana Uusan Aheyn Wax Sidaasi U Weyn.

Waxa Uu Sheegay In Uu Jiro Howlgal Ay Labada Ciidan Wada Sameynayeen,Laakin Aan Iskusi Wax Loogu Sheegin Taasina Ay Sababtay In Ay Ciidamadu Isku Dhacaan.

Waxa Uu Beeniyay Taliyaha In Dagaalka Dhexmaray Labada Ciidan In Uu Ka Dhashay Khasaaro Dhimasho Ah,Laakin Waxa Uu Cadeeyay In Uu Jiro Dhaawaca Hal Askari.

Waxa Wax Laga Weeydiiyay Dagaalka Maanta Oo Ay Qeyb Ka Ahaayeen Ciidamada Ay Tababartay Dowladda Imaaraadka,Waxa Uuna Sheegay In Mararka Qaar La Sheego In Ciidamadaas Ay Yihiin Kuwa Imaaraadka,Laakin Taasi Ay Tahay Mid Aan Waxba Ka Jirin Ciidamadaasna Ay Yihiin Kuwo Amarka Qaata Dowladda Soomaaliya.