Taliska Booliska Baardheere Oo Faah Faahiyey Wariye Lagu Rasaaseeyey Degmadaas….

21 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Dagmada Baardheere Ee Gobolka Gedo Ayaa Faah Faahin Ka Bixiyey Uu Askari Katirsan Ciidamada Dowlada Hoose Ee Dagmadaasi Uu Kufuray Wariye Ka Howlgaladagmadaasi Baardheere.

Wariye Cabdirisaaq Soofe Ayaa Gelinkii Dambe Ee Maanta Waxaa La Sheegay In Uu Rasaaseeyey Askari Ka Tirsan Ciidamada Jubnaland Ee Ku Sugan Baardheere,Kadib Markii Markii Askariga Iyo Wariyaha Ay Murmeyn.

Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Dagmada Baardheere Gaashaanle Dhaxe Cabdi Sheekh Xasan Ciyow Ayaa Waxa Uu Sheegay In Askariga Iyo Wariyaha Ay Ku Murmeen Amar Ay Soo Saareen Ciidanka Booliska Oo Ahaa In Guri Walba Oo Ku Yaalla Baardheere Laga Jaro Geedka Loo Yaqaano Cali Garoobka Oo Uu Ka Dhega Adeegay.

Sidoo Kale Taliyaha Ciidanka Booliska Dagmada Baardheere  Ayaa Sheegay In Wariyaha Uu Diiday In Uu Bixiyo Lacago La Doonayey In Lasiiyo Shaqaale Gurigiisa Hortiisa Ka Gurayey Geedka Cali Garoobka,Sidaasna  Askariga Uu Xabad Ugu Riday Balse Xabsiga Dagmada Baardheere Uu Ku Xiran Yahay Askariga.