Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga keenayo Dalka Liibiya.

1,491 total views, 5 views today

Tahriibayaal Soomaali ah ayaa Maanta waxaa la filayaa in dib looga soo celiyo Magaalada Muqdisho , iyagoona laga keeni doono dalka Liibiya.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa garoonka muqdisho ku soo dhaweyn doono Tahriibayaasha Soomaalida ah.

In ka badan 150 Tahriibayaal soomaali ah ayaa la keeni doono Maanta magaalada Muqdisho sida ay horay u shaaciyeen Madaxda Dowlada Soomaaliya u qaabilsan Tahriibayaasha.

Cali Siciid Fiqi Danjiraha Soomaaliya ee Wadamada Yurub oo u xilsaaran soo celinta Dhalinyarada Soomaalida ah ee dalka Liibiya ku sugan ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay qorsheynayaan in ay dalka dib ugu soo celiyaan Tahriibayaal Soomaali ah.