Tababaraha Ku Guuleystay Abaal-Marinta Macallinka Bisha October Ee Premier League Oo La Shaaciyey

26 total views, 1 views today

Tababare Pep Guardiola Ayaa Ku Guuleysatay Abaal-Marinta Macallinka Bisha, Kaddib Rikoorkiisii Heerka Sare Ahaa Ee Uu Ka Sameeyey Kooxda Manchester City Bishii La Soo Dhaafay Ee October.

Man City Ayaan Hal Kulan Guuldarreysan Xilli Ciyaareedkan, Kaddib Saddex Guul Oo Ay Gaartay Bishii La Soo Dhaafay Waxa Ay Dhalisay 13 Gool.

Hoggaamiyeyaasha Horyaalka Ayaa Markii Ay Ka Soo Laabteen Waajibaadka Qaranka Waxa Ay 7-2 Ku Dhufteen Stoke City Kulan Ay Ku Soo Dhaweeyeen Etihad Stadium, Ka Hor Inta Aysan Guul 3-0 Ka Gaartay Burnley.

Isbuucii Ugu Dambeeyey Ee Bishii Hore West Bromwich Albion Ayaa Kulan Adag La Qaadatay Wiilasha Guardiola, Laakiin Ugu Dambeyntii Man City Ayaa 3-2 Ku Badisay.

Pep Guardiola Ayaa Waxa Uu Abaal-Marintan Ku Garaacay Tababaraha Arsenal Ee  Arsene Wenger, Kan Hoggaamiya Burnley Ee Sean Dyche Iyo Macallinka Kooxda Tottenham Hotspur Ee Mauricio Pochettino.

Waa Markii Bishii Labaad Oo Xiriir Ah Oo Abaal-Marintan Ku Guuleysto Guardiola Iyo Markii Saddexaad Oo Uu Hanto Tan Iyo Markii Uu U Soo Dhaqaaqay Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkii La Soo Dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.