Suldaan Shariif “Dowladda Waxa ay dayacday Dadka kunool Goobaha ay Al-Shabaab kala wareegto”.

24 total views, 4 views today

Suldaan Shariif Cali Xasan oo kamid ahaa Odoyaasha dhaqanka wax kasoo dhisay Maamulka Koofur Galbeed oo la hadlay Warqaad.Com ayaa sheegay in Dhibaatooyin ay ka jiraan Deegaanada Ciidamada Dowladda ay kala wareegaan Al-Shabaab.

Suldaanka ayaa si gaar ah u sheegay in Ciidamada Dowladda marka ay la wareegaan Deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, in dadka qaarkood aanan ula dhaqmin qaab aanan wanaagsaneen sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu soo hadal qaaday in deegaanada qaar ay Ciidamada Dowladda ay Telefoono u qoraan dadka shacabka si ay ugu wargeliyaan Xogta la xiriirta Al-Shabaab.

Goobahaas ayuu sheegay in waqti kooban kadib ay dib ugu soo baxaan, dadkaasina ay dhibaatooyin kale kala kulmaan Al-Shabaab, waxa uuna Sabab uga dhigay Telefoonada ay u qoraan Ciidamada.

Deegaano ay kamid yihiin Awdhiigle ayuu tilmaamay in ay ka dhaceen dhibaatooyinka uu sheegayo in ay sabab u yihiin yihiin Ciidamada Dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka Madaxda Dowladda ayuu Suldaan Shariif Sheegay in ay adag tahay la kulankooda si ay ugu sheegaan dhibaatooyinka Deegaanada Koofur Galbeed ka jira.

Isaga iyo dhowr Oday Dhaqameed ayuu tibaaxay in ay isku dayeen in ay la kulmaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha balse aanan u suurta gelin, arrinta kahor istaagtay ayuu ku tilmaamay in ay tahay Shaqsiyaadka ka horeeya Madaxda Dowladda oo kahor istaagay sida uu hadalka u dhigay.

Waa uu sii hadlay waxa uuna Madaxda ka dalbaday in ay dajiyaan qorshe ka duwan Midka hadda Ciidamada Dowladda ku wajahayaan dadka kunool Deegaanada Al-Shabaab ay kala wareegaan, si uu sheegay in aanan dhibaato Shacabka soo gaarin.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda kama aanan warcelin Eedeemahaan ah in ay dhibaatooyin Ciidamada Dowladda ay u geystaan dadka kunool Deegaanada ay Maamulaan Xarakada Al-Shabaab.