Soomaaliya Oo Noqday Wadanka 6aad Ee Ugu Farxada Badan Qaarada Afrika…

26 total views, 1 views today

Warbixin Ay Sanad Walba Qaramada Midoobay Ka Soo Saarta Farxadda Ayaa Wadanka Mauritius Noqday Dalka Ugu Farxadda Badan Ee Qaarada Yurub Iyadoo Wadanka Burundi Uu Noqday Dalka Ugu Murugada Badan Qaarada Afrika.

Illaa Iyo 156 Dal Ayaa Warbixinta Sanadkan Lagu Shaaciyay Sida Ay U Kala Galeen Kaalimaha Iyadoo La Eegayo Inta Qofka Uu Noolaan Karo,Xoriyada,Musuqmaasuqa.
Sida Warbixintan Lagu Daabacay Dalka Mauritius Ayaa Kaalinta 2aad Ka Soo Kacay Isagoo Ka Saaray Dalka Algeria Oo Sanadkii Tegey Ee 2017 Ahaa Wadanka Ugu Farxada Badan Ee Qaarada Afrika.

Dalka Soomaaliya Ayaa Noqday Wadanka Ugu Farxada Badan Leh Wadama Ka Hooseeya Saxaraha Isagoo Kaalinta Lixaad Ka Galay Guud Ahaan Wadamada Ku Yaal Qaarada Afrika.

Dalka Nigeria Oo Kaalinta 6aad Ku Jirey Sanadkiih Ore Ayaa Sanadkan Galay Kaalinta 5aad Inkastoo Dowlada Dalkaas Ay Dagaal Kula Jirto Ururka Boko Haram.

Kaalinta 1aad Ee Wadanka Ugu Farxada Badan Leh Caalamka Ayaa Sanadkan Waxaa Ku Guuleystey Dalka Finland Iyadoo Sanadkii Hore Uu Kaalinta 1aad Ay Ku Jirtey Wadanka Norway.

Halkan Hoose Ka Aqriso Tobanka Dal Ee Qaarada Afrika Ee Ugu Farxada Badan Leh

  1. Mauritius
    2. Libya
    3. Algeria
    4. Morocco
    5. Nigeria
    6. Somalia
    7. Cameroon
    8. Gabon
    9. South Africa
    10. Ivory Coast