Soomaaliland oo Jabuuti kula tartameysa dhoofinta Shidaalka laga helay Ethiopia.

880 total views, 2 views today

Warqaat.Com:-Xukuumadda Somaaliland ayaa Weydiisatay Ethiopia in ay u weeciso dhuumaha qaadaya Saliidda iyo shidaalka laga helay Gobolka Soomaalida ee Ethiopia oo la doonayo in  la dhoofiyo.

Somaliland waxaa ay la tartameysaa Jabuuti oo horay Ethiopia ugula hadashay in ay noqoto meesha laga dhoofinaayo Saliida Itoobiya.

Codsiga ka yimid Somaliland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli Dolwadda Itoobiya ay Bilaabeeyso dhoofinta khayraad Dabiici ah oo lagu qiyaasay 8 trillion cubic feet, waana Dadaalkii ugu Dambeeyay ee Somaliland oo 30 sano muddo ku dhow dadaaal ugu jirtay Aqoonsi Caalami ah ay ku dooneeyso in ay ku hesho Mashaaariic shisheeye maadaama ay ku taalo bar muhiim ah oo saaran badda cas.

“Maxaan loogu soo direyn Saliidda ceeriin iyo Gaaska Dabiiciga ah ee laga soo saaray Ceelasha Ogadenia een looga dhineeyn Dekedda Berbera” ayuu yiri Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Jaamac Maxamuud, sida lagu baabacay Warbaahinta Bloomburg.

Dekadda Berbera ee Soomaliland ay dooneeyso in Khayraadka Dabiiciga ah laga dhoofiyo waxay Ceelasha khayraadka u jirtaa 400 KM halka Dekedda Jabuutina ay u jirto 700KM, sidaas darted Somaaliland waxay aaminsantahay in Masaafadda dhow darteed ay ku guuleeysan doonto tartanka ay kula jirto Somaliland.

Dalabka Somaaliland ayaa waxaa uu tartan kula jiraa Jabuuti oo sanado badan ka faa’iideeysaneeysay muhiimadda ay leedahay meesha ay Gobolka uga taalo iyo marti galinta Dowladda Dhaqaalaha Aduunka ku tartamaaya ee Shiinaha iyo Mareeykanka.

Itoobiya ay Saami dhan 19% ay ku lahayd Heshiis Dekadda Berbera ku saabsan oo ay gaareen Soomaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya.

Waxaana jira War sheegaya in Itoobiya ay joojisay Saamigii ay ku lahayd Heshiiska Berbera.