Soomaaliland Oo Deegaanadeeda Ka Mamnuucday Hay’ado Ka Diiwaan Gashan Soomaaliya

12 total views, 1 views today

(Warqaat.Com)–Wasaaradda qorsheynta  Somaliland ayaa markii ugu horeysay faah-faahin ka bixisay lix hay’adood oo ah kuwa samafalka oo maxaliga ah oo ay xukuumaddu kala noqotay ruqsadii ay kaga shaqeyn jireen deegaannada Somaliland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Somaliland, Eng Xuseen Ibraahim Buuni,ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aankaa xukuumadda ay shaqada uga joojisay hay’adahaasi.

Waxa uu sheegay in lixdaas hay’adood ay jebiyeen xeerka u yaalla hay’adaha ka howlgalla deegaanada Maamulka Soomaaliland.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in hay’adaha laga mamnuucay in ay ka shaqeeyaan Soomaaliland ay yihiin kuwo ka diiwaan gashan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay,isla markaana aan la aqbali karin.