Soomaalida Oo War Been Abuur Yaab Leh Laga Faafiyay Balse Si….

30 total views, 1 views today

Cabdi Qani Saciid Carab Oo Ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Ee Soomaaliya Oo Maanta La Hadlay Saxaafada Ayaa Beeniyay Wararka Sheegayay In Soomaaliya Aysan Ka Qeyb Gali Doonin Sanadkan Tartanka Bariga Iyo Bartamaha Africa Ee CECAFA Oo Lagu Qabanayo Dalka Kenya.

Cabdi Qani Saciid Carab Ayaa Sheegay In Wararkaasi Ay Yihiin Waxba Ka Jirin, Balse Waxaa Uu Sheegay In Soomaaliya Ay Xubin Buuxda Ay Ka Tahay Wadamada Ka Qeyb Galaya Tartanka Bariga Iyo Bartamaha Africa.

Sidoo Kale Waxaa Iyana Arintan Ka Hadashay Wasiirka Ciyaaraha Ee Xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye Waxaa Ay Sheegtay In Warar Been Abuur Ah Lagu Faafiyay Baraha Internetka,Islamarkaana Taasi Aan Loo Dulqaadan Doonin.

Waxaa Ay Ku Baaqday In Laga Shaqeeyo Hormarka Ciyaaraha Dalka,Si Bay Tiri Loogu Gudbo Dhibaatada Ka Jirta Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.