Soomaali lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha dilka gabar cadaan ah

22 total views, 1 views today

Wiil Soomaali ah oo ku nool magaalada Columbus ee dalka Maretkanka oo lagu magacaabo Maxamed C/laahi ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilka iyo gubista gabar cadaan ah  oo 23 sano jir ah, waxaana dilkeeda uu dhacay 14-kii bishan.

Booliska ayaa soo xiray aroornimadii Isiinta Maxamed C/laahi oo 27 sano jir Soomaali ah, waxaana qabashadiisa ay ka dambeysay kadib markii askari uu joojiyay gaari uu watay Maxamed.

Sarkaal u hadlay booliska ayaa wuxuu sheegay wareysi ay la yeesheen Maxamed inay isku waafaqeen warbixinta uu bixiyay iyo calaamadaha ku yaalla jirka gabadha meydka ah.

Gabadhan ayaa horey loogu soo eedeeyay in dhawr mar sidan oo kale jirkeeda uga ganacsatay, balse booliska ayaa waxa ay baaritaano ku wadaan dhacaamada ay ka qaadeen meydka gabadhan.

Hay’adda Care oo u dooda dadka muslimka ah iyo qareenka Maxamed C/laahi ayaa saacadaha soo socda waxaa la filayaa inay warbaahinta la hadlaan, si dadka ay ula wadaagaan halka uu xaalka marayo.