Soo Dhoweynayo Guddoomiyaha Cusub Ee G/Banaadir Oo Ka Socota Beach View…

23 total views, 2 views today

Kulan Qado Ah Oo Lagu Soo Dhoweynayo Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Eng. C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) Ayaa Ka Socota Maqaayadda Beach View Ee Xeebta Liido.

Kulanka Qadada Ayaa Waxaa Ka Qeyb Galaya Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Eng. C/Raxmaan Yariisow Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, Xildhibaanada, Waxgaradka Iyo Dhaqanka Beesha Mudullood, Waxaa Lagu Wadaa Inuu Hadal Ka Jeediyo Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow.

Waxaa La Filayaa In Odayaasha Dhaqanka Beesha Mudullood Inay Hadal Ka Jeediyaan Munaasabadda Qadada, Oo Lagu Soo Dhoweynayo Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir.

Beesha Mudullood Ayaa Dadaal Ugu Jirta Sidii Loo Xalin Lahaa Xiisada Siyaasadeed Ee Ka Jirta Magaalada Muqdisho Loo Xalin Lahaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.