Somaliland Oo NABAD&NOLOL Sikale Ufasirtay Halkudhiga Df Somaaliya Ee Haatan Jirta…

16 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Maamulka Soomaaliland Liibaan Cusmaan Yuusuf Oo Maanta Warbaahinta Kula Hadlay Magalada Hargeysa Ayaa Ka Hadlay Arrimo Ay Ka Mid Yihiin La Wareegida Maamulka Hawada Ee Dowladda  Soomaaliya,Amniga Iyo Iyo Arrimo Kale Oo Muhiim Ah.

Wasiir Liibaan Ayaa Sheegay In Dowladda Hadda Ka Jira Dalka Soomaaliya Ee Uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ay Cadaawo Ku Tahay Soomaaliland Waa Sida Uu Hadalka U Dhigay.

“Runtii Waxaa Waayadaan Soo Xoogeystay Cadaawada Dowladda Soomaaliya Ee La Magac Baxday Nabad Iyo Nolol Ay U Qabto Soomaaliland,Runtii Anagu Ma Qabno In Ummadda Ay Metelaan Ay U Wadaan Nabad Iyo Nolol,Waxana U Naqaanaa Dowlad Ka Sahqeysa Naceybka Soomaaliland,Waxana Shacbiga Soomaaliland U Sheegeeynaa In Aan Waxba Ka Jirin Waraaqaha Ay Mar Walba Caalamka U Qoraan Ayuu Yiri Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Maamulka Soomaaliland.

Shirkiisa Jaraa’id Oo Ad U Dheeraa Ayaa Sidoo Kale Waxa Uu Kaga Hadlay Falalka Amnidarro Ee Mararka Qaar Ka Dhaca Magalada Muqdisho Oo Uu Sheegay In Dowladda Soomaaliya Waxka Qaban Weysay.