SIXIROOLEYAAL Caan ah oo la geeyay Xaruunta Wasaarada Warfaafinta Somalia..[Sabab Yaab leh]

13 total views, 1 views today

(Warqaat.Com)– Sida ay xubno ka tirsan Wasasaradda Warfaafinta xaqiijiyeen wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa laga xaday kaamiro qaali aheyd, oo muuqaallada loogu soo duubi jiray.

Kaamirada laga xaday Wasaaradda Warfaafinta ayaa qiimaheedu lagu sheegay ilaa 10,000 oo Dollar (Toban kun oo Dollar), taasoo laga soo iibiyey sida la sheegay dalka Imaaraadka Carabta.

Kaamirada ayaa laga xaday gudaha Wasaaradda Warfaafinta, waxaana la aqoonsan waayey ciddii qaadatay, arrintaas oo keentay in la dhaariyo dhammaan shaqaalahihii Wasaaradda joogay waqtigii la waayey Kaamiradaas.

Sida aan xogta ku helnay waxaa Shaqaalahaas dhaariyey Madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo agaasimayaasha, hase yeeshee dhammaan shaqaalihii ayaa wada dhaartay, taasi oo keentay in weli aan la aqoonsan cidda xadday kaamirada.

Dhaarta kadib madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku qanci weysay dhaartii la mariyey dhammaan shaqaalihii joogay, waxayna go’aansadeen inay qaadaan tallaabo la yaab laheyd oo ah in Afgooye laga dalbo sixiroorayaal wax-faaliya oo sheego ciddii qaadatay Kaamiradaas.

Inta badan shaqaalihii la dhaariyey ayaa arrintaas ka hor imaaday waxayna sheegeyn inay tahay arrin ka baxsan diinta Islaamka, islamarkaana tallaabadaas ay horseedi doonto dhibaato xoog leh.

Madaxda Wasaaradda ayaa ku adkeystay inay arrintaas ku dhaqaaqi doonaan isla markaasna la isticmaali doono sixiroolayaashaas in lasoo helo cidda xadday kaamirada.

Ilaa hadda ma caddo jawaabta ay bixiyeen sixiroorayaasha balse waxaa muuqato inay tallaabadaas keentay khilaaf horleh welina lama soo bandhigin natiijada kasoo baxday.

“Runtii tallaabadaas waxay nagu noqotay mid la yaab leh, Afgooye ayaa laga keenay sixiroorayaal la sheegay inay sheegi doonaan cidda Kaamirada qaadatay, arrintaasna waa mid aan waafaqsaneyn sharciga Islaamka”ayuu yiri mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ee kamid ahaa kuwii la dhaariyey, oo codsaday inaan la magacaabin.

Waa markii ugu horeysay ee arrin noocaan camal ah ee ka dhacdo Xafiisyada dowladda Soomaaliya inta la xasuusto.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa muddo ka hor sidoo kale laga xaday qalab qaali ahaa waxaana suurta geli weysay in la helo dadkii qaadatay.