SIR LA HELAY Dhageyso: Muuse Suudi Oo Ceerintii Thabit Ku Farxay Sheegayna in Abgaal Hore Isku Khiyaameen

21 total views, 1 views today

Senetor Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inuu ku farxay Awooda Maamulka G/Banaadir in Beeshiisa loo gacan geliyo.

Gudoomiyaha Cusub Ee Maamulka Gobolka loo magacaabay Eng. C/raxmaan Yariisoow ayaa waxay isku heyb yihiin Senetor Muuse Suudi.

Waxa loo ballan qaaday Yariisoow in Beesha ay ka taageeri doonto difaacida Amnigiisa oo laga yaabo in la isku dayo beegsi lagu sameeyo.

Warar ay Badweyn.net heshay ayaa sheegaya in Hub badan durba loo diyaariyey oo Eng. Yariisoow loogu talo galay in la siiyo.

Ilo muhiim ah ayaa inoo sheegay in Taleefoon kuwada hadleen Yariisoow iyo Senetor Muuse Suudi Yalaxoow uguna hambalyeeyey Xilka loo magacaabay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.