SIDIISA AYAAN KU RABNAA: Man Utd Oo Diyaar U Ah Inay Markii 3aad Dalab Ka Gudbiso Gareth Bale Inkastoo Ay Dhaawacyo Hareeyeen…

17 total views, 1 views today

Manchester United ayaa markeedii seddaxaad isku deyi doonta inay lasoo wareegto garabka kooxda Real Madrid Gareth Bale iyadoo diyaar u ah inay dalab ka gudbiso xiddigaan, sida ay wararku sheegayaan.

Sida laga soo xigtay shabakadda Daily Mirror ee dalka England, Manchester United ayaan ka walwal qabin dhaawacyada hareeyey xiddiga reer Wales, taasoo keentay inuu Bale seego 40 ka mid ah 60kii kulan ee ugu dambeeyey ee Real Madrid.

28 sanno jirkaan Bale ayaa ku guuldarreystay inuu kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu Stadium u noqdo bedelka Cristiano Ronaldo.

Hadda wuxuu qabaa dhaawac uu garoomada kaga maqnaan doono illaa sannadka cusub waana dhanka canqawga, Real Madrid ayaana lagu soo waramayaa inay qaati ka taagan tahay dhaawacyada kusoo laalaabanaya xiddigaan ayna diyaar u tahay inay iska iibiso dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Red Devils ayaana diyaar u ah inay lasoo wareegto Bale, oo ay dabataagneyd tan iyo sannadkii 2013kii, makaasoo uu heshiis rikoorka adduunka ah 85 milyan oo ginni kula biiray Los Blancos.

Sidoo kale, Man United ayaa isku dayday inay lasoo wareegto xiddigii hore ee Southampton sannadkii 2016kii markaasoo uu qandaraas cusub oo illaa sannadka 2022ka ah u saxiixay kooxdiisa.

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Bale haddii ay ku hesho ku dhowaad 80 milyan oo ginni. Wargeyska The Guardian ayaana sheegaya inuu tababaraha Man United Jose Mourinho diyaar u yahay inuu Bale kusoo celiyo England Premier League, isagoo aan dhibaato u arkin dhaawacyada kusoo laablaabtay xiddigaan afartii sanno ee uu joogay horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.