Sidee dowladda Qatar uga guuleysatay dalalka Imaaraadka & Sacuudiga loolankii Arimaha Somaliya [Warbixin]

19 total views, 1 views today

Loolankii siyaasadeed ee u dhaxeeyay dalalka saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya ayaa gabogabo ku dhow, kadib markii dowladda Soomaaliya ay siyaasad ahaan la wareegeen mowqifkeeda dalalka Turkiga iyo Qatar.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa dadaal weyn ugu jiray inay dhinacooda soo raaciyeen dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ay uu horeyntiiba cadaadis  ku saareen dhaqaale iyo siyaasadeed.

Mashaariic Sacuudigu u balanqaaday dowladda Soomaaliya ayaa dib u dhac weyn soo wajahay kadib markii ay Soomaaliya go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka, waxaana Sacuudiga arrinta Soomaaliya u xilsaaray Imaaraadka oo galaangal weyn ku dhex leh siyaasadda Soomaaliya.

Tallaabooyinkii ay qaaday Imaaraadka ee ay ku dooneysay inay ku so jiidato dowladda Soomaaliya ayaa gebi ahaan socon waayey, kadib markii Safiirka Imaaraadka uu si xun u maareeyay, waxaana arrintaasi ka dhalatay inuu sii xumaado xiriirka dowladda Farmaajo iyo Imaaraadka taasoo ay ugu danbeysay safarkii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ee Imaaraadka oo ku soo dhammaaday fashilka.

Qatar oo kaashaneys Turkiga ayaa dhinaca kale guulo kasoo hooyey inay helaan kalsoonida dowladda Soomaaliya, waxaana dowladda Qatar ay si weyn uga faa’iideysatay Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxana labada dhinac ay isla wadaan mashaariicdii ugu horeysay ee Qatar a fuliso Soomaaliya.