Shirkii Wadatashiga Nabadeynta iyo Horumarka Gobolka Banaadir oo dib u dhac ku yimid( Maxay tahay sababta)

15 total views, 2 views today

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in uu baaqday  Shirka Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir oo lagu waday in 7da bishan uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Duqa magaalada ayaa sheegay in howlo farsamo oo jira awgood uu shirka ubaaqday waqtiga shirka la qaban doono uu maamulka dib ka soo sheegi doono.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore ugu dhawaaqay in 7 Bishaan Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shirkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhamaadkii bishii la soo dhaafay sheegay in shirkaan uu yahay mid muhiim ah loogana hadli doono Amniga Caasimada iyo sida loo xoojin karo.

Sababaha uu shirkaan u baaqday ayaa qaarkood lagu sheegay in ay tahay safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagi doono degaanada Puntland iyo Galmudug.

Shirkan ayaa la hore loo qorsheeyay in uu  ka qeybgalo Madaxweyne Farmaajo iyo qubaro ku takhasustay arrimaha ammaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.