Shirkii Dalka Belgium Ee Brussels:- Dfsoomaaliya Oo Loogu Baaqay In Ay Wax Kabadasho Xiriirka Kala Dhaxeeyo Maamul Goboleedyada…

15 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Rosemary Dicarlo Oo  Ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud Ee QM Ugu Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Ayaa Hadalkaasi Ka Sheegtay Shirweynaha Arrimaha Somalia Ee Haatan Ka Socda Caasimadda Dalka Belgium Ee Brussels.

“DFS Waxaa Looga Baahan Yhaay Inay Sii Wadaan Dadaalkooda Ku Aadan Dhisida Xiriir Xooggan Oo Waxtar Leh Oo Ay La Yeeshaan Maamuladda Oo Dhan, Barlamaanka Federalka,. Dowladaha Xubnaha Ka Ah Federalka, Kooxaha Siyaasadda Iyo Ururadda Ulshadda Rayidka, Kuwaasi Oo La Faa’ideysan Doona Hoggaaminta DFS ” Ayey Tiri Rosemary Dicarlo

Waxay Intaasi Ku Dartay Inay Arrimahaasi Taageero Ka Geysan Doonaan Deganaanshaha Siyaasadda Iyo In La Qaado Dadaallo Dheeraad Oo Lagu Xoojinayo Ka-Hortagga Cadaadisyadda Khatarta Leh Ee Wax U Dhimaya Midnimadda.

Dhinaca Kale, Kaaliyaha Khaaska Ee Xoghayaha Guud Ee QM Ugu Qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating Oo Ka Hadlay Shirka Brussels Waxa Uu Ku Booriyey Beesha Caalamka Sidii Somalia Loogu Dhowri Lahaa Ajendaha Shirka.

Waxa Uu Intaasi Ku Daray In  Nidaamka Loo Dhan Yahay Ee Siyaasadda Somalia U Baahan Tahay Dhismaha Kalsoonida Sidii Loo Kordhin Lahaa Dhismaha Ammaanka Qaranka,

Shirka Brussels Ee Looga Hadlayo Arrimaha Somalia Waxaa La Filayaa In Maanta La Soo Gebagebeeyo, Iyado Olaga Soo Saari Doono War-Murtiyeed Ay Ku Mideysan Yihiin Beesha Caalamka, Madaxda DFS Iyo Kuwa Maamul-Gobaledyadda.