Shirkii Amniga Galmudug Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyay Dhuusamareeb

19 total views, 3 views today

Shirkaan looga hadlayey Amniga Deegaanada Galmudug, ayaa lagu Soo gabagabeeyey Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, waxaana ka soo qaybgalay Xubno ka tirsan Qaramada Midoobay, waxa ayna ka kala socdeen Turki, Jabuuti, AMISOM iyo UNSOM oo ah Xafiiska Qaramada Midoobay Siyaasada u qaabilsan Soomaaliya, Waxaa isna Goobjoog ahaa Agaasimaha Wasaarada Gaashaan dhigga Soomaaliya.

Shirka ayaa laga soo saaray Qodobo dhowr ah ayna ka mid ahaayeenxoojinta Ammaanka, Xoraynta Deegaanada Galmudug ee Alshabaab ku sugan yihiin iyo ka gun gaarida Qorshaha Amniga Galmudug .

Saraakiisha ka kala socotay UN-ka iyo Wadamada daneeya Ammaanka,hi ayaa waxa ay kormeeray Saldhiga Booliiska Dhusamareb iyo Xarunta la filayo in UN-ku Xafiis kooda ka samaystaan .