Shirka “Somali Partnership Forum” Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeynayo Magaalada Muqdisho Oo Ah Caasimada Dalka…

27 total views, 3 views today

Maanta Oo Talaado Ah Ayaa Lagu Wadaa In Magaalada Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyo Shirka Heerkiisa Sarreeya Ee “Somali Partnership Forum” Kaasi Oo Shalay Furmay.

Shirkaan Waxaa Looga Hadlayaa Arrimo Badan Oo Quseeya Xaaladda Dalka Sida Ammaanka Iyo Arrimo Kale Oo Ciidamada La Xiriira.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa Daah Furay Shirkan Oo Ay Ka Qeybgalayaan Madaxda Maamul Goboleedyada, Midowga Yurub, IGAD, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta Iyo Dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Shirka Ayaa Daba Socdo Shirkii London Bishii May 2016 Kii ,Iyadoo Shirkaan Ay Goobjoog Ka Yihiin Midowga Yurub,IGAD ,Jamacadda Carabta Iyo Dowlado Kale Oo Soomaaliya Taageero Siiya.

Wixii Kusoo Kordha Kalasoco Warqaat.Com Insha Allh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.