Sheeko Xikmad Weyn Wadata: Juxa Iyo Ninkii Dhibka Heystay Siduu U Xaliyay!!

26 total views, 1 views today

Juxa oo degmo uu joogay isaga dhigaya nin garaad badan oo dadka deegaanka ka caawin kara xal u helidda dhibaatooyinka la soo dersa, ayaa maalin maalmaha ka mid ah uu u yimid nin dhibaato heshay ka cabanaya, “Aniga, xaaskayga, carruurtayda oo lix ah, hooyaday iyo soddohday, ayaa guri keliya ku wada nool. ee dhibtaas side aan u xalliyaa?” ayaa ay noqotay cabashadii ninkani qabay.

Juxa ayaa ugu jawaabay, “Orod oo dameer soo iibso, kadibna isagana habeenkii isla qolkan uun ku soo xaree” ninkii taladii ayaa uu qaatay, laakiin laba dharaarood kadib ayaa uu haddana ku soo noqday Juxa isaga oo ka cabanaya in dhibtii ay kaba sii dartay. Juxa ayaa mar kale talo ku siiyey, “Orodoo soo iibso wan oo isagana qolka ku soo xaree?” Laba maalmood kadib ninkii oo hurdo la’aan la midab doorsoomay, cadhana cirka maraya ayaa ku soo noqday Juxa oo uu weli xikmad ka sugayo, waxa aanu ku yidhi, “Juxa xaalku meel aan loo sii dulqaadan karin ayaa uu marayaa ee xal keen?

Juxa ismaba dhibin ee mar kale ayaa uu ku yidhi, “Imika ayaa uu xalkii ugu dhow yahay ee digaagad soo iibi oo iyadana qolka ku xaree. Ninkii oo in uu is-dilo ku siganaya ayaa maalin keliya markii uu maqnaa ku soo rogaal celiyey Juxa, waxa aanu ku canaantay in xikmaddiisu bar-kuma-taal tahay oo uu dhibtii uun ku sii badiyey. Juxa waxa uu ninkii ku yidhi, “Orod oo dameerka iibi oo hadda bal sida xaal noqdo igu soo noqo” Ninkii dameerkii markii uu iibiyey ee habeenkii xaaladdu aad u soo degtay ayaa subaxdii isaga oo faraxsan uu u yimid Juxa, “Xaalki waxoogaa sidii hore waa uu ka soo reeyey” ayaa uu ku yidhi. Haddana Juxa waxa uu ninkii ku yidhi, “Bal hadda orod oo wankana iibi” Ninkii sidii ayaa uu yeelay, maalintii dambana isaga oo sidii hore ka farxad badan ayaa uu Juxa ku soo noqday, “Xaalkii aad ayaa uu uga soo reeyey, si qalbi ah ayaa aan kuugu mahadnaqayaa” ayaanu la shir yimid

Juxa waxa uu ninkii ku yidhi, “Orod oo digaagadda iibi” Ninkii sidii ayaa uu yeelay oo digaagaddii ayaa uu iibiyey, kadib gurigii waxa uu ku soo noqday xaalad deggen. Subaxdii ayaa isaga oo faraxsan uu ku jarmaaday Juxa, si uu uga soo mahadnaqo samofalka uu u galay iyo xikmadda uu dhibtii jirtay kaga xalliyey ee haatan uu nafiska yahay.