Shariif Xasan: “Ciidanka Isku Dhafka Ah Dalka Ayey Xoreynayaan”

657 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa Ka Hadlay Amaanka Degaannada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Shariif Xasan Oo Baydhaba Ku Laabtay Kaddib Shirkii Uu Uga Qeybgalay Garowe Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Dowlad Goboleedyada Ay Ku Heshiiyeen Sameysashada Ciidan Daraawiish Ah Oo Isku Dhaf Ah Kuwaas Oo La Dagaallama Al-Shabaab.

Waxaa Uu Shariif Xasan Sheegay In Ciidamadaas Lagu Xoreynayo Dalka Isaga Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Uu Maamulkiisa Billaabayo.

Shariif Xasan Ayaa Wajahaya Loolan Adag Oo Dhinaca Doorashada Ah Taas Oo La Filayo In Ay Dhacdo 17ka Bish November Ee Soo Socota.

Musharrixiin Badan Ayaa Ku Qul Qulaya Magaalada Baydhaba Kuwaas Oo Doonaya In Ay U Tartamaan Xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya.