Shacabka Kunool Gobolka Sh/Hoose Oo Walaac Ka Muujiyay Isbaarooyin Cusub Ay Dhigten Ciidamada Milateriga

16 total views, 1 views today

Shacabka Gobolka Sh/Hoose Ayaa Walaac Ka Muujiyay Isbaarooyin Cusub Oo La Soo Dhigay Deegaano Ka Tirsan Gobolka, Iyadoo Dadka Iyo Gaadiidka Dhibaatooyin Loogu Geysanayo.

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Sh/Hoose Ayaa Sheegay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Milateriga Oo Hab Beeleed U Abaabulan Ay Isbaarooyin Soo Dhigteen Inta U Dhaxeysa Muqdisho Iyo Afgooye.

“Ciidamo Milateri Oo Qaab Beeleed U Abaabulan Ayaa Bilaabay Inay Isbaarooyin Soo Dhigtaan, Waxaa Isbaaradii U Dambeysay La Soo Dhigay Deegaanka Xaawo Cabdi”Ayuu Yiri Guddoomiye Kuxigeenka G/Sh/Hoose.

Sidoo Kale Waxaa Isbaaro La Soo Dhigtay Inta U Dhaxeysa Degmada Wanlaweyn Iyo Afgooye, Waxaana Lacago Aan Sharci Aheyn Looga Qaadayay Gaadiidka Isaga Kala Goosha Wadada.

Dhowr Jeer Oo Hore Isbaarooyin Dhowr Ah Ayaa La Soo Dhigtay Deegaano Ka Tirsan Sh/Hoose, Waxaana Jiray Howlgal Uu Hoggaaminayay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Oo Isbaarsooyinka Lagu Qaadayay, Inkastoo Ay Haatan Dib U Soo Laabteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.