SAWIRRO:Madaxda Maamulka Galmudug Oo Muqdisho Ku Kulmay

27 total views, 1 views today

Madaxda Sare Ee Maamulka Galmudug Ayaa Maanta Kula Kulmay Magaalada Muqdisho Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug, Iyadoo Kulankan Ahaa Mid Lagu Muujinayay Midnimada Maamulka, Kaddib Khilaafaadkii Hareeyay.

Kulanka Ayaa Waxaa Ka Qeyb Galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Oo Ay Wehliyeen Madaxweyne Kuxigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Kuxigeenkiisa Iyo Wasiirka Koowaad Ee Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Wasiirka Koowaad Ee Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Ayaa Sheegay In Midnimada Shacabka Ku Nool Gobolada Ay Tahay Mid Wanaagsan, Isla Markaana Loo Baahan Yahay Sidii La Isaga Kaashan Lahaa In Al-Shabaab Laga Saaro Deegaanada Gobolada Dhexe.

Sidoo Kale Waxaa Kulanka Ka Hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Iyo Madaxweyne Kuxigeenka, Kuwaasoo Iyana Soo Dhoweeyay Heshiiska Galmudug Iyo Ahlusuna, Wixii Khilaaf Ee Horay U Jiray La Dhameeyay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Ayaa Sheegay In Galmudug Ay Hada Ka Heshiisay Khilaafkii Muddooyinkii Dambe Ka Dhex Jiray, Isla Markaana Galmudug Ay Haatan La Midowday Ahlusuna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.