SAWIRRO:-Xaaf Oo Shahaado Sharaf Ka Helay Dowlad Goboleedyada

5,978 total views, 2 views today

(Warqaat.com)—Iyada Oo Maanta Magaalada Garowe Lagu Soo Gaba Gabeeyay Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Lagana Soo Saaray War-Murtiyeed Ka Kooban 15 Qodob Oo Amaanka,Siyaasadda Iyo Wada Shaqeynta U Badnaa Ayaa Munaasibaddii Xiritaanka Waxaa Shahaado Sharaf Lagu Guddoonsiiyay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Shahaaddadan Ayey Dowlad Goboleedyada Ku Sheegeen In Ay Tahay Dadaalkii Uu Xaaf Ku Bixiyay Nabadeynta Gaalkacyo Iyo Heshiiskii Uu La Galay Maamulkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca Ee Ay Midoobeen.

Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas,Ayaa Guddoonsiiyay Shahaado Sharafta Madaxweynaha Galmudug

Dhinaca Kale Hoggaamiyaya Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Ayaa Loo Doortay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Halka Ku Xigeen Looga Dhigay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xilkaasi Waxaa Horay U Hayay Madaxweynaha Puntland Iyo Midka Hirshabeelle Hayeeshee Waare Ayaa Isaga Baxay Golaha Halka Gaasna Uu Muddo Xileedkiisa Ku Ekaa Bishan October.